Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo qorshaynaya in ay taageero u fidiyaan Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ka fekeraya cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka iyo weliba inay ansixiyaan lacago dheeri ah, oo dalka Ukraine lagaga taageero dhinaca hawlaha milateriga.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Maraykanku uu ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Ukraine, xilli uu dalkaasi la baaxaa degayo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ku hayaan ciidamada Ruushku kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas.

Lacagta uu Midawga Yurub soo jeediyey ee lagaga doodayo Brussels, ayaa gaadhaysa illaa $2.1 bilyan oo dollar oo dalkaas lagaga caawinayo dhinaca saadka hubka ee la geynayo.

Midawga Yurub ayaa horey u soo rogay sideed wareeg oo cunaqabatayn ah oo lagu beegsanayo shakhsiyaadka iyo wershedaha Ruushka, si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Midowga Yurub oo qorshaynaya in ay taageero u fidiyaan Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this