Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Afrika ugu yaboohay lacag dhan $55 bilyan oo Dollar

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka ayaa shaaciyay in uu ugu yaboohayo Afrika lacag gaaraysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota.

Go’aankan ayaa ku soo beegnay xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa iskaashiga Maraykanka iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Dalka Maraykanka waxaa soo gaaray hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka Maraykanka iyo dalalka Afrika oo furmaya Talaadada maanta ah.

Shirkan waxa la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaaraysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midowga Afrika.

Soomaaliya waxa uga qayb-galaya wefdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gaaral dalka Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Afrika ugu yaboohay lacag dhan $55 bilyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this