osman_nz Posted June 9, 2009 Baarlamanka Puntland oo Todobaadkii 2aad u fadhiya kadoodista Dastuur Cusub Xildhibaanada Baarlamanka Maamul goboleedka Puntland ayaa todobaadkii labaad ka u fadhiya dood ku aadan dastuurka cusub ee uu yeenanayo DGPL, isagoo haatan uumarayo qodobka 76aad kaas oo qeexaya awoodaha Xukuumada hadii ay noqonlaheyd masuuliyinta sar sare Mdaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. Xildhibaanada ayaa siweyn isugu mashquulsanaa maanta iyadoo ay ku mashquulsanaayeen qodobkan kaas oo isagu waqti dheer ka qaaday, waxayna doodooda ku saleensantahay sidii ay wax uga bedelio lahaayeen qodobkan isaga ah ama ay wax ugu kordhin lahaayeen Dastuurkan oo ay horay u soo ansixiyeen Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ayaa waxay xildhibaanada Baarlamanka u fadhiyaan ansixintiisa mudo ka badan 2todobaad iyadoo ay maalinba ka doodayaan qodob ka mid ah qodobada 141da ka kooban kaas oo ansixin golaha wasiirada ka dib loos oo gudbiyay baarlamanka. Si kastaba ha ahaatee Xubnaha baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa looga fadhiyaa in ay soo dhameystiraan dastuurka cusub islamarkaana lagu dhaqo dastuurkaasi cusub umada soomaaliyeed ee hoostaga Maamul goboleedka Puntland. C/naasir Yaasiin Salaad SBC International Garowe Source: http://www.allsbc.co m/view.php?articleid =10861 Quote Share this post Link to post Share on other sites