Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab-kii laga bixiyay Aadan Yabaal oo laga sii qabsaday deegaankii ay u carareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee is garabsanaya ayaa haatan kusii siqaya deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii laga saaray dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa maanta gaaray deegaanka Al-Kowthar oo hoostaga degmada Yabaal, ayaga oo si buuxda ula wareegay deegaankaasi, sida uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Al-kowthar ayaa waxaa haatan ku sugnaa Al-Shabaabkii maalmo kahor laga saaray degmada Aadan Yabaal, halkaas oo la soo wariyay inay isku uruursanayeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay howlgalka lagu qabtay Al-Kowthar ayaa boggaadiyey ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, wuxuuna sheegay inay hal-bowle muhiim ah u aheyd Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabadan ay markale dhabar jab ku tahay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-kawsar oo saaka laga saaray Khawaarijtu waxeey u ahayd hal-bawle muhiim ah, in laga qabsadayna dhabar jab ayay ku tahay, alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Ciidamada ayaa shalay dagaal la’aan la wareegay deegaanka Ceel-Muluq, waxayna ka bilaabeen howl-galo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Toddobaad kahor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray HirShabelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood.

The post Al-Shabaab-kii laga bixiyay Aadan Yabaal oo laga sii qabsaday deegaankii ay u carareen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this