Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DF oo 12 maalmood kadib dib ula wareegay degaan muhiim ah oo laga qabsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maamulka K/Galbeed ayaa 12 maalmood kadib, waxay dib u qabsadeen degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Bay, halkaas halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay dagaal kula wareegtay bilowgii bishaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ciidan badan ku dishay deegaanka Daynuunaay, maalinkii ay qabsadeen degaankaan ay maanta dib ugu laabteen ciidanku.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxday deegaankaan, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, si lamid ah sidii 1-dii bishaan ay ciidanka dowladdu uga baxeen degaankaan Goof-gaduud Buurey.

“Maanta gelinkii hore ayaan la wareegnay Goofgaduud, mana jirin wax iska cabin ah oo Al-Shabaab aan kala kulanay,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaankaas Cabdiraxmaan Isaaq oo la hadlay Idaacadda VOA.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay degaanka soo galeen ciidan aad u badan oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo fariisin ka sameystay hareeraha iyo gudaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa saldhigyadii ciidanka ee deegaankaas ka socda dadaallo miinooyinka looga saarayo, maadaama kooxda Al-Shabaab ay caan ku tahay inay miinooyin geliso deegaanada laga saaro ama ay isaga baxaan.

The post Ciidanka DF oo 12 maalmood kadib dib ula wareegay degaan muhiim ah oo laga qabsaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this