Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda KENYA Oo Sheegtay In Muuse Biixi Iyo Xasan Sheekh Ay Ku Isku Raaceen In Dib Loo Bilaabo Hannaan Dib-U-Heshiisiin Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga go’an tahay inay sii amba-qaadan wadada wada-hadalladooda.

Monica Juma ayaa sidoo kale qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib-u-heshiisiinta.

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furida hannaanka dib u heshiisiinta,” ayey tidhi Monica.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this