Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Maraykanka, Akhriso Ujeedka Safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka.

Socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haayo ka qaybgalka shirka madaxda Afrika iyo Maraykanka oo ka furmayo washington.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Xasan Sheekh ayaa khudbad ka sheedin doona shirka isaga oo ka warbixinaya dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda Soomaaliya, xaaladda abaaraha, dib u dhiska hanaanka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda lagu casuumay in ay ka soo qaybgasho shirka Maraykanka iyo Madaxda qaaradda Afika.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this