Deeq A. Posted December 12, 2022 Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington ee waddankaasi. Shirka ayaa socon doono muddo saddex cisho ah, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay booqashada madaxweynaha uga bilaabatay dalka Mareykanka. Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga, dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo sidoo kale isbeddelka cimilada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madashan, taas oo uu uga hadli doono fursadaha ka jira Soomaaliya, xaaladda guud dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hormarada illaa iyo hadda laga sameeyey. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu wadahadallo gaar gaar ah iyo kulamo duceedyo la yeelan doonaa madaxda Afrka ee shirka tageysa iyo kuwa martida loo yahay ee Mareykanka. Waa markii labaad ee uu booqanayo madaxweynaha dalka Mareykanka, wuxuuna dhowaan uga qayb-galay shirka golaha loo dhan yahay ee QM oo lagu qabtay magaalada New York. The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo gaaray Mareykanka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites