Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in aan la aqbali karin daryeel la’aanta Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670839867770.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed  in ay u dhintaan daryeel la’aan caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Al-shabaab, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, waxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahanyihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in aan la aqbali karin daryeel la’aanta Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this