Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo ka hadlay Khatarta Nukliyeerka Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah.

Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo shaqeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyay.

“Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah…waxaad filan kartaan in dalalka gobolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay ammaankooda u sugi lahaayeen,” ayuu sii raaciyay.

Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho.

Dalalka Khaliijka ayaa cadaadiyey heshiis xooggan oo wax ka qabanaya walaacyada ay ka qabaan gantaallada iyo barnaamijka diyaaradaha drone-ka Iran iyo shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay gobolka.

PUNTLAND POST

The post Sacuudiga oo ka hadlay Khatarta Nukliyeerka Iran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this