Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo furtay tartanka Iibka Qandaraasyada Sahayda Ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670838142853.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa sheegay in ay muhiim tahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay arrintaan ay muujinayso xoojinta iyo kor u qaadid hannnaanka daah-furnaanta Qandaraasyada Dowladda iyo isla xisaabtanka taasi oo muhiim ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Soomaaliya.

Si kor loogu qaado daahfurnaanta qandaraasyada Dowladda, waxaa dhawaan hab casri ah loo sameeyay Portalka Iibka Qaranka Soomaaliya (Somali Public Procurement Portal) kaasi oo aan dhawaan daahfuri doono.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo furtay tartanka Iibka Qandaraasyada Sahayda Ciidamada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this