Deeq A. Posted December 12, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ah u ambabaxo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Wafdi hordhac u ah safarka Guddoomiyaha ayaa shalay gaaray degmada Xudur, waxaana halkaasi ka socota qaban-qaabadii u dambeysay ee soo dhaweynta Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdiga uu horkacayo Ujeedka safarka guddoomiyaha Golaha Shacàbka ee degmada Xudur ayaa lagu sheegay u kuur-gelida xaaladda nololeed ee bulshada degmada iyo la-tashiyo uu saraakiisha ciidamada kala sameeynayo sida loo bilaabi karo howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Aĺ-Shabaab. Wararka ayaa intaas kusii daraya in safarka guddoomiye Aadan Madoobe uu sidoo kale qeyb ka yahay diyaarinta shirka dib-u-heshiisiinta bulshada deegaannada Koonfur Galbeed ee uu kal hore ku dhawaaqay. Safarkaan ayaa imanaya xili ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana uu amray Lafta-gareen in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah aysan imaan karin deegaanada maamulkaasi. Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo intooda badan xilal ka haya dowladda federaalka ayaa waxay ka mideysan yihiin in Lafta-gareen laga qaado kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, maadaama dhamaantood ay dhibanayaal siyaasadeed u yihiin. The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Xudur + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites