Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo xiray sarkaal Liibiyaan ah oo loo haysto diyaarad burburtay 1988

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dembi-baarista ee FBI inay gacanta ku hayaan sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo loo haysto inuu sameeyey bambkii soo riday, diyaaraddii rakaabka ee Maraykanku lahaa ee sannadkii 1988-kii ku burburtay magaalada yar ee Lockerbie ee ku taalla Scotland, sarkaalkan ayaa loo soo gacan geliyey dawladda Maraykanka, waxaana haatan la qorshaynayaa in maxkamad la saaro.

Ninkan oo lagu magcaabo Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi ayaa xarigiisu ka dambeeyey, ka dib dedaal muddo socday oo la doonayey in caddaaladda lagu horkeeno, si loogu maxkamadeeyo dembiga loo haysto. Laba sano ka hor ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha Maraykanka ee xilligaas William Bar, uu ku dhawaaqay dembiyo lagu soo eegayo eedaysane Mascud, iyada oo loo hayso inuu farsameeyey bamkii ku qarxay diyaaradda la soo riday.

Eeddan ayaa daba socota, diyaar rakaab ah oo bishii December 21-keedii, sannadkii 1988-kii lagu soo riday gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska, waxaana diyaaraddaas oo laga lahaa Maraykanka, lagu magcaabi jiray Pan Am. Diyaaraddan ayaa burburtay ka dib markii uu qarxay bam saarnaa, waxaana taasi ay keentay inay burburto oo ay dhintaan 259 rakaab ah oo saarnaa oo ay ku jiraan 190 muwaadin oo u dhashay Maraykanka iyo weliba 11 qof oo kale oo ku dhintan goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday.

Duulimaadkaas oo tirsigiisu ahaa 103 ayaa ka soo duulay magaalada London isaga oo u soo socday magaalada New York, wuxuuna noqday mid ka mida duulimaadyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Ingiriiska.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo xiray sarkaal Liibiyaan ah oo loo haysto diyaarad burburtay 1988 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this