Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Isbaheysiga cusub ee Dowlad Goboleedyada oo Baydhaba ku shiraya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka oo samaystay isbaheysi cusub ayaa lagu wadaa in ay magaalada Baydhaba gaaraan 19 bishan December 2022

Madaxdan oo ay ku jiraan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka qayb-galaya munaasabadda Sannad-guuradii afraad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xilkan loo doortay 19 December 2018 kadib markii uu wareeggii kowaad ka guulaystay saddex musharrax oo la tartamay.

Isbaheysiga cusub ee Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in ay munaasabadda kadib ku shiraan Baydhaba islamarkaana mowqif midaysan ka soo saaraan xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya gaar ahaanna siyaasadda Villa Somalia ee ku wajahan Dowlad Goboleedyada.

PUNTLAND POST

The post XOG: Isbaheysiga cusub ee Dowlad Goboleedyada oo Baydhaba ku shiraya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this