Sign in to follow this  
Deeq A.

Muj.Kaysar Maxamed oo Qoraaladiisu Suuq heleen

Recommended Posts

Deeq A.   
Geesiyaashii Ugaadhsan jiray Dhagar-qabayaashii Xasuuqa geystay, Boodhadh Istusnimo ah oo bilaa micno ah Laamiyada Hargeysa kumay dhejin jirin.
Halkan waxaa ka muuqda Geesiyaasha Cabdicasiis Maxamed Iid iyo Geesiga Baashe Cabdi yare oo ahaa labadii Geesi ee Maxkamada soo saaray Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cali Samatar oo qirtay inuu bixiyay amarkii magaalooyinka Hargeysa iyo Burco lagu burburiyay. Waxaana Maxkamadii ay ku heshay dembiga lagu eedeeyay, isaga oo muddo yar oa dibna geeriyooday.
Sanadkii 2012 ayaan Magaalada Washington ee Dalka Maraykanka aan kula kulmay Muj Baashe iyo Loyaradii kiiska gacanta ku haysay oo aan sawirka hoose kula jiro.
Geesiyaashaas Cabdicasiis Maxamed Iid iyo Baashe Cabdi Yare iyaga oo adeegsaday xooggooda iyo xoolahooda iyo wakhtigooda ayay ku guulaysteen in Cali Samatar Maxkamada la hor keeno.
Kuwa imika Hargeysa laamiyadeeda ku dhejiyay Boodhadhka Xasuuqa ka hadlayaa, waa qaar aan maalina waxba ka tarin ficil iyo qawl iyo qori midna, balse waa kuwo doonaya inay naxli iyo kala shaki ku abuuraan Ummada reer Somaliland ee Nabada ku wada nool.
Waa waajib in la ugaadhsado ashkhaasta nool ee dembiyo Xasuuq gacantooda ku galay meesha ay doonaan ha joogaane, balse waxaa xaaraan ah in Boodhadh macno la’aan ah dariiqyada Hargeysa lagu dhejiyo, naxli hor lehna Ummada la kala dhex dhigo.
319687894_10226769191809748_294967184872
319813945_10226769192249759_831455228568
319233375_10226769192569767_759550430645

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this