Sign in to follow this  
Deeq A.

67 Suxufi Oo La Dilay Iyaga Oo Ku Jira Shaqadooda Sanadkan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalka Ruushka ee Ukraine, qalalaasaha Haiti iyo rabshadaha sii kordhaya ee kooxaha jirrida ah ee Mexico ayaa gacan ka geystay korodh 30% tirada suxufiyiinta lagu dilay gudashada waajibaadkooda sannadkan 2022 marka loo eego sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixin cusub oo la sii daayay Jimcihii.

Ururka caalamiga ah ee suxufiyiinta ayaa sheegay in sannadkan 67 suxufi iyo shaqaale warbaahin ah lagu dilay caalamka, halka sannadkii hore la dilay 47 suxufi.

Kooxda fadhigeedu yahay Brussels ee IFJ ayaa tira-koob ku heshay in 375 saxafi ay hadda u xidhan yihiin sababo la xidhiidha shaqadooda, kuwaas oo intooda badan ku xidhnaa Shiinaha, Myanmar iyo Turkiga.

Warbixintii sannadkii hore ayay tirada suxufiyiinta xabsiga ku jirta aheyd 365.

Iyadoo tirada shaqaalaha warbaahinta ee la dilay ay sii kordhayso, ayaa ururka IFJ waxay ugu baaqeen dowladaha inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo la taaban karo, si loo ilaaliyo suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah.

“Ku guuldarreysiga in tallaabo la qaado, waxay kaliya dhiirigelin doonaa kuwa doonaya inay xakameeyaan qulqulka macluumaadka xorta ah, waxayna wiiqayaan awoodda dadka si ay ula xisaabtamaan hoggaamiyeyaashooda, oo ay ku jirto in la hubiyo in kuwa awoodda iyo saameynta leh aysan u istaagin dariiqa furfurnaanta iyo isku-dhafka,” ayuu ku yidhi bayaan uu soo saaray Xoghayaha guud ee IFJ Anthony Belanger.

Suxufiyiinta sannadkan dhintay ayaa 12 ka mid ah lagu dilay dagaalka ka socda Ukraine, sida ay sheegtay IFJ.

IFJ ayaa sidoo kale cambaareysay toogashada weriyihii Al-jazeera Sherine Abu Akleh, oo kasoo warami jirtay Falastiin, iyada oo toddobaadkan, shabakadda warbaahinta Carbeed ee Al-jazeera ay si rasmi ah uga codsatay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC inay baadho dilkeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this