Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Sa-2-680x430-1.jpg?resize=680%2C430&ssl=

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga magaalada Riyaadh iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa ay kulankooda uga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga xiriirka ee dhinacyada kala duwan.

Kulankaa ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, Danjirayaasha Soomaaliya u jooga Sacuudiga iyo Masar, Ambassador Saalim Macow Xaaji, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar, Danjirihii hore ee Soomaaliya u joogay Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmo kahor booqasho ku gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, wuxuuna halkaas kala qeyb galay Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta, isagoo la kulmay Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this