Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Hirshabeelle oo booqday degaanno laga saaray Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670752524866.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa maanta booqday degaanno dhowaan laga saaray Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Daba-geed booqdeen degaannada Mabaax iyo Ceel qooxle ee laga saaray Al-shabaab.

“Madaxweynaha ayaa kormeeray deegaanadaan oo ay ka muuqdaan raadadka gumeysiga cadowga, isagoo halkaas kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ah ee khawaarijta ka saaray deegaannadaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa muddooyinkii danbe booqanayay degaannada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ee laga xoreeyay Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Madaxda Hirshabeelle oo booqday degaanno laga saaray Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this