Sign in to follow this  
Deeq A.

Morocco Oo Taariikh U Qortay Afrika, Xulka England Oo Ka Huleelay Koobka Adduunka, France Oo U Gudubtay Semi-Finals

Recommended Posts

Deeq A.   

Morocco ayaa noqotay dalkii u horreeyey ee Afrikaan ah ee gaadha wareegga afar dhammaadka (semi-final ee Koobka Adduunka ka dib markii Youssef En-Nesyri uu qeybtii hore ee ciyaarta gool ka dhaliyay xulka Portugal ciyaar xalay ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium.

Libaaxyada Atlas oo sidoo kale ah kooxdii ugu horreysay ee Carbeed ee u gudubta wareegga afar dhamaadka, ayaa Portugal ku daray liiska dalalka reer Yurub ee ay ka reebeen Koobka Adduunka.

Morocco ayaa hoggaanka ciyaarta u qabatay daqiiqaddii 42-aad markii uu En-Nesyri shabaqa ku hubsaday goolkii ay xulkiisa guushu ku raacday.

“Waxa aan ka hor-nimid kooxda adage e Portugal. Waxa aan ciyaarta ka hor u sheegay ciyaartoyda in ay tahay in aan taariikhda u qorno Afrika. Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu yidhi Walid Regragui oo ah tababaraha xulka Morocco.

Dhan kale Olivier Giroud ayaa dhaliyay goolka guusha ee xulka Faransiiska ee difaacanaya Koobka Adduunka, iyadoo ciyaar xiisa badan ay Faransiisku England ku garaaceen 2-1 kaga badiyeen. Xiddiga Harry Kane ayaa rigoore goor danbe loo dhigay ka khasaariyay xulkiisa.

Xulka Faransiiska ayaa wareegga afar dhammaadka la ciyaari doona xulka Morocco oo iyana ka guuleystay xulka Portugal una gudbay semi-finalka.

Aurelien Tchouameni ayaa hoggaanka u dhiibay Fransiiska qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Kane ayaa barbareeyay.

Daqiiqaddii 78-aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta ayuu Giroud madax ku dhaliyay goolkii labaad ee Faransiiska, halka Kane uu gafay goolkii labaad ee barbarrada noqon lahaa. Sidaasi ayayna xulka England kaga hadheen ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda Qadar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this