Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Wadahadal Kula Yeeshay Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalo gaar ah la yeeshay Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasiis oo ah dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaaraha boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Sida lagu daabacay wakaalada wararka dalkaasi ee SPA, wadahadaladan waxaa intooda badan diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, Sucuudiguna kaalin muuqata uga geysan lahaa in dalkan uu ka taageero dhinacyada Amniga iyo Abaaraha.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in labada mas’uul ay isla soo qaadeen xoojinta mashaariicda horumarineed si gaar ah arrimaha soo saarista shidaalka iyo guud ahaan sidii dalkan uu u soo saaran lahaa kheyraadkiisa, arrintan ayaa loo arkaa inuu dadaal dheeri ah galinayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Sucuudiga ayaa kamid ah dalalka cilaaqaadkooda ay wanaagsan yihiin dowladdan cusub, waxaana la sheegay iney kaalin muuqata ka ciyaareen inuu tallada dalka dib ugu soo noqdo madaxweynaha 15-kii May.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this