Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Alshabaab Send Suicide Bombers to Somaliland

Recommended Posts

Al-shabaab oo inamo is-qarxiya u soo dirtay Somaliland wakhtiga Doorashada

 

Muqdisho( Waaheen)Warbixin uu qoray Web-site ka Xusuus ayaa lagu baahiyay Ururka Al-shabaab Somaliland inay u soo direen Sagaal dagaal yahan oo ay soo tababareen kuwaasoo ay ugu talagaleen inay Toogasho iyo Qaraxyo u geystaan Goob-joogayaasha Caalamiga ah Wakhtiga Doorashada

 

Sagaalkan Dagaal yahan ayay war-bixintu sheegtay inay soo gaadheen Somaliland kuwaasoo isku qaybiyay gobolada Dalka, waxaanay warbixintaasi ku bilowday sidan “

 

 

 

Iyada oo ololaha doorashooyinka Somaliland ay socdaan ayaa waxaa kooxda hubeysan ee Alshabaab ay damacsan tahay in ay qaraxyo iyo qarbudaad ka fuliyaan magaalooyinka Somaliland, inta lagu gudo jiro xiliga doorashooyinka oo maalmo uun ay ka harsan yihiin sida lagu helay xog muhiim ah.

 

Sagaal nin oo ka soo jeedo Gobalada Waqooyi ee Somaliland hase yeeshee bilihii u dambeeyey tababaro ku qaadanayey Xero ku taalo Gobalka Bay ayaa waxaa u soo dhamaaday tabarkoodii ay siinayeen saraakiil isugu jirto somali iyo ajaanib oo ka wada tirsan Alshabaab, waxaana gunaanadka tababarkoodu halkaasi loogu soo jeediyey dardaaran iyo guubaabo.

 

Kooxdan dhalinyarada ah ayaa waxa illo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ay safar dhinaca dhulka ah ku galeen Somaliland, iyaga oo sida la sheegay isu kala qeybiyey Gobalada iyo goobaha Muhiimka ah oo ay doorashooyinka ka dhici doonaan, waxaana bartilmaameedka kooxdan la sheegay in ay tahay sidii ay u toogan lahaayeen ama u qarxin lahaayeen goobjoogayaasha caalamiga ah iyo Madaxda Xisbiyada ee tartameysa.

 

ka hor intii aysan ka safrin Koofurta Soomaaliya ragani naftood hurayaasha ah ayaa waxa ay duubeen Cajalado maqal iyo muuqaal ah oo ay ku cadeeynayaan ujeedada socdaalkooda iyo howlaha ay ka soo qaban doonaan Somaliland, waxaana halkaasi ugu duceeyey Amiirka Alshabaab Axmed Godane oo loo yaqaano Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

 

 

Sagaalkan nin ayaa la sheegay in ay heyb ahaan ka soo jeedaan Gobalada Jamhuuriyada Somaliland, waxaana ay deegaanadooda ka soo tageen laba sano ka hor, qaarkod waxa ay ahaayeen arday, halka kuwo kalana ay ahaayeen kuwo reero leh, mana la oga in ay amarada loo soo dhiibay fulin doonaan iyo in kale.liibaan1981@hotmail.com

Muqdisho_Somalia

 

Jamhuuriyada la baxday Somaliland ayaa waxa ay ku talaabsaday horumar baaxad leh, waxa ay heer sare ka gaartay dhinaca nabada iyo dimiqoraadiyada, iminka waxa ay u diyaargaroobayaan sidii ay u dooran lahaayeen Madaxweynaha xiligan kala guurka ah.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this