Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qataay dhaxal sugaha boqartooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Maxamed Bin Salmaan taageerada ay dowladda Sacuudiga ah ay siiso Soomaaliya, Iskaashiga labada dhinac, gobalka, Amniga iyo arrimo kale.

Dhaqal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay ciidamada xoogga iyo shacabka ay ka wadaan dalka kuwaas oo ururka alshabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku ammaanay hawlgallada ka socda dalka, waxaana uu booriyay dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay dhaxalsugaha taageerada ay dowladdiisa ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

319516634_542018447969299_75951338990930
319530386_542018461302631_22480074538873
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this