Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Nin dil ka geystay Guriceel oo Gaalkacyo lagu qabtay – Kadib maxaa dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidanka booliska degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku dilay askari ka tirsanaa booliska degmadaas.

Taliska booliska degmada Gaalkacyo ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay ugu suurta gashay inay soo qabtaan ninkaan ka soo baxsaday Guriceel, kadib markii uu dilay nin kale.

“6-dii bishaan ayuu ninkaan Guriceel ku dilay nin kale, qof kasta ayaan adeegsanay waxaana ku guuleysanay in aan qabano, qof kasta meeshii uu dembi ku galo kama baxsa doono gacanta booliska,” ayuu yiri taliyaha booliska Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay taliyaha booliska degmada Guriceel Cusmaan Cali Hudey, isagoo maxkamadda ciidamada ka codsaday in deg deg ay go’aan uga gaarto kiiska dilka ah ee ninkaan loo heysto.

“Allaah ayaa ku mahadsan in ninkaan la qabto, dhamaan bulshada iyo booliska Galakacyo waan u mahad celinayaa, waxaan fariin u dirayaa maxkamadda ciidamada, fadlan kiiskaan nala fududeeyo, deg deg in ninkaan maxkamad loo saaro ayaan codsanayaa,” ayuu yiri Taliye Hudey.

Ninkaan dilka loo heysto oo lagu magacaabo Cabdulaahi Cabdi Cusmaan ayaa fagaaraha Gaalkacyo lagula wareejiyey taliyihii xukumayey askarigii uu ku soo dilay degmada Guriceel.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Nin dil ka geystay Guriceel oo Gaalkacyo lagu qabtay – Kadib maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this