Sign in to follow this  
Deeq A.

Mataane Isku Dheggan Oo Cabasho Ka Keenay Mushaarka Hal Qof Oo Ay Qaataan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mohna iyo Sohna, waxa ay u dhasheen Hindiya, waxaa ay 2021kii shaqo ka heleen sharkadda xooga Korontada ee Dowlad Gobolleedka Punjab.

Waxaa ay shaqeeyaan 12 saacadood, iyaga oo koronto yaqaan ah (Electrician), waxaa ay qaataan $200 doollar Bishii oo ah mushaarka halka qof ee Shirkadda u shaqeeya.

Labada wiil ee isku dheggan waxaa ay leeyihiin; laba wadne, afar Kelyood, laba Laf Dhabar, afar gacmood, laakiin waxaa ay wadaagaan, hal Beer, hal kaadi heys, hal Beeryare iyo laba lugood.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in shirkadda Korontada ay ku saxantahay inay ula macaamisho sida hal qof, halka dadka qaar dalbanayaan in la siiyo mushaarka laba qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this