Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo lagu wado in uu maanta ka amba-baxo Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu maanta ka amba-baxo caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Lafta Gareen oo Khamiistii soo gaaray Garoowe ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo si weyn loo xaddiday xogtiisa ayaa sida wararka xaqiijinayaan looga hadlay midaynta mowqifka Puntland iyo Koonfur Galbeed ee Arrimaha siyaasadda heer Federaal.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna loo diray marti-qaad waxaana la sugaya in uu Todobaadkan Yimaado Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Lafta Gareen oo lagu wado in uu maanta ka amba-baxo Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this