Qudhac Posted July 20, 2007 Warsaxaafdeed k soo baxay xafiiska Somaliland ee dalka Malaysia Xafiiska Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Malaysia kuala Lumpur War Saxaafadeed Friday, July 20, 2007 Wafdigii uu hoggaaminaayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ee maalmahanba shaqo hawleedka u joogay dalka Malaysia ayaa maanta la shiray ururka “BUMIPUTRA MANUFACTURERS & SERVICES INDUSTRY ASSOCIATION OF MALAYSIA”. Ururkaas oo ay weheliyaan maalqabeenno kale iyo Bangiyo, ururkaas oo ay ku bahoobeen ururada Warshadlayda reer Malaysia shirkaasoo wafdigu u sharaxay fursadaha ganacsi ee ay wadaagi karaan labada dal. Waxa kale oo isla maanta wafdigu la kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Malaysia Mudane Syed Hamid Albar iyo hawl-wadeenno ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda taasoo iyana laga wada hadlay adkaynta iyo iskaashiga cilaaqaadka labada dal. Isla maanta waxay Wafdigu kula tukadeen masjidka ugu wayn Caasimadda kuala Lumpur Salaadii Jimcaha dadweyne tiro badan iyo madax ka tirsan danjireyaasha dalalka Muslimiinta ee ku sugan dalka Malaysia. Wafdigu isla Shalay 19/07/07 wuxuu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ee dalka Malaysia oo hoggaminaayey madaxda Wasaaradda sida DG. Iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo 4 shirkadood oo u xilsaaran mashruuca Hab-halal kaasoo ah mid ay Malaysia ku gaadhsiinayso Caalamka Islaamka oo dhan meel ay joogaanba hilib xalaal ah. Wafdiga iyo Wasiirku waxay kala saxeexdeen heshiis Caafimaadka iyo suuq-gaynta xoolaha ah (Adhi,Lo’ iyo Geel). Wafdigu isaga oo hawlihiisa ku dhex jira berri waxa u qorshaysan inay la kulmaan ardayda ku jirta Jaamacadaha Malaysia iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku sugan dalkan Malaysia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 20, 2007 good news ,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted July 21, 2007 indeed good news especially as they are looking to do deals for animal exporting with malaysian company which has has world network of halal meat exportation. this would diversify this important market so the arabs would not have manopoly on it alone. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacenow Posted July 21, 2007 Good deal for the northern province. I spent 3 months in Malaysia. Truly a wonderful country. Excatly the type of countries to develop relations wih. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 21, 2007 We can be the biggest market of the horn of Africa for Malaysia products. Quote Share this post Link to post Share on other sites