Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis amni + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo gaaray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa waddanka Ethiopia General Damelesh Garbamichel.

Labada taliye ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan amniga Soomaaliya iyo Ethiopia, maadaama ay yihiin daris, ayna isaga xiran yihiin dano badan.

General Xijaar iyo General Garbamichel ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan iskaashi dhanka amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta Booliska labada waddan.

Sidoo kale waxay isku raaceen labada dhinac in hadda kadib ay wadaagaan xogaha kala duwan ee la xariira shaqada ciidanka Booliska ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Heshiiskan ayaa la filayaa in loo sii gudbiyo madaxda sare ee labada dal, si loogu war-geliyo, loogana wada shaqeeya dhaqan-galkiisa.

Dowlada Ethiopia ayaa haatan xiriir wanaagsan laleh Soomaaliya kaasoo sii xoogeysanayaa sanadihii dambe, waxayna labada dal sameeyeen isu soo dhawaasho iyo isbeddal ballaaran

Dhowaan ayey aheyd markii taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo isna booqday Addis Ababa uu heshiis lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Ethiopia, waxaana sidoo kale isna dalkaas tegay wasiirka Difaaca XFS, Cabduqaadir Maxamuud Nuur oo la soo kulmay dhiggiisa oo ay kasoo wada-hadleen arrimaha ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ethiopia ayaa qayb ka ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kamid ah ATMIS.

319271671_562652169234727_91152992829975 319151593_562652215901389_92049369210813 319088563_562652102568067_76470001593625 318793778_562651415901469_58960589470765 319314223_562652265901384_39819577130490

The post Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis amni + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this