Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Isu socodka gaadiidka Garowe iyo Gaalkacyo oo loo gooyay muran la xiriira ka ganacsiga jaadka

Recommended Posts

Deeq A.   
Musuqmaasuqa_Qaadka_Somalia.jpg?resize=7

Waxaa go’an isu socodka gaadiidka u kala gooshaya qeybo ka mid ah laamiga dheer ee isku xira Gobolada Nugaal iyo Mudug kadib markay jidgooyo dhigteen dhalinyaro hubaysan oo sida la sheegay ka gadoodsan muran iyo isqabqabsi todobaadyadii lasoo dhaafay ka jiray arrimaha ka ganacsiga Jaadka.

Gelinkii danbe ee maanta waxaa istaagay isu socodka gaadiidka Gaalkacyo iyo Garowe waxaana sida la sheegay Dhalinyaro hubaysan isbaaro dhigteen inta u dhaxaysa degaanada Birta Dheer iyo Tuulo Ooman.

Warar madax banaan oo laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya jidgooyadaas in lagu hakiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka ku safaraya laamiga.

Xubno kamid ah ganacsatada Jaadka Gobolka Nugaal ayaa sheegay in shaati dowladeed lagu duudsiiyay xaquuqdii ay u lahaayeen ka ganacsiga Jaadka laga soo dhoofiyo dalalka deriska Kenya iyo Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Isu socodka gaadiidka Garowe iyo Gaalkacyo oo loo gooyay muran la xiriira ka ganacsiga jaadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this