Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa in Madaxweyne Xasan Sheekh Oggolaado in La Akhristo Buuggiisa Qalin-jebinta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16703350374214561.jpg?resize=720%Aflax: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shahaadada PhD la guddoonsiinayo.

Muqdisho (Faallo PP) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa dhowaan la guddoonsiiyay shahaadada PhD kaddib markuu difaacay doodda uu ku soo bandhigay buuggiisa qalin-jebinta ku saabsan siyaasadda qabiillada Soomaaliya. Jaamacadda Nabadda (The University of Peace) ayaa guddoonsiisay Madaxweyne Xasan Sheekh shahaadada. Madaxweyne Xasan wuxuu jaamacadda u sheegay in dadku aysan akhrisan karin buuggiisa ugu yaraan shan sano, muddada uu xilka hayo.

Waa go’aan uu qalin-jebiye kasta xaq u leeyahay. Waa go’aan baalmarsan hufnaanta iyo anshaxa cilmibaarista dhowr sababood awgood: 1- Madaxweyne Xasan wuxuu siyaasadda Soomaaliya u fahamsan yahay mid beelo ay ku loollamayaan. Wuxuu meesha ka saaray in siyaasigu wado siyaasadda. 2- Aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh, ku cad cinwaanka buuggiisa qalin-jebinta, waxay meesha ka saaraysaa gaboodfallada siyaasiyiintu geystaan: eedda beelaha baa qaadaya — kuwa hubeysan iyo kuwa aan hubeysnayn. 3- Madaxweyne Xasan wuxuu buugga ku xusay magacyada beelo Soomaaliyeed sababtoo ah muu u arko gorgortanka garwadeenka siyaasadda (elite bargain) xuddunta xasiloonnidarrada siyaasadeed ee Soomaaliya. 4- Madaxweyne Xasan Sheekh xilka ugu sarreeya qaranka Soomaaliyeed ayuu hayaa. Buuggiisa qalin-jebintu ma noqon karo sida warbixin uu qoray qof sirdoon ah oo ajnabi ah looguna talagalay indhaha madaxda dal Soomaaliya dano ka leh oo kaliya.

PhotoCollage_20221209_223004905.png?resi

Soomaaliya waa dal weli aan ka soo kabanin burburkii dowladnimada 1991kii. Haddii Madaxweyne xilka haya oo beeshiisu sheeganayso lahaanshaha caasimadda uu buug qalin-jebin ka qoro siyaasadda qabiillada Soomaalida, kala aammin-bax raad xun reeba ayaa imanaya. Waa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaado xanibaadda uu saaray akhrinta iyo xigashada buuggiisa qalin-jebinta oo cinwaankiisu yahay Examining the Challenges of Clan Politics in Statebuilding: A Case Study of Somalia.

© Puntland Post, 2022.

The post Waa in Madaxweyne Xasan Sheekh Oggolaado in La Akhristo Buuggiisa Qalin-jebinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this