Deeq A. Posted December 9, 2022 Wararka naga soo gaarayo gobalka Gedo ayaa sheegaya in qarax ka dhacay tuullada Suul Alle ee gobalka gedo lagu dilay taliyihii nabad sugidda gobalka. Allaah u naxariiste Taliye Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke ayaa la sheegay in uu u geeriyooday qarax loogu xiray gaari uu lahaa. Taliyaha ayaa qayb ka ahaa mas’uuliyiinta sida wayn qaybta uga ahaa sugidda ammaanka gobalka Gedo. Bakaal Kooke ayaa sidoo kale intii lagu guda jiray hawlaha doorashooyinkii dalka ka dhacay si wayn u diidana in maamulka Jubbaland uu yimado gobalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites