Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha NISA oo ka hadlay dilka Taliyihii NISA ee gobalka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid taliyihii NISA ee gobalka Gedo.

War ka soo baxay NISA ayaa lagu yiri ” Taliyaha NISA Mahad Salad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiiday Marxuum Bakaal Kooke Taliyihii NISA ee G/Gedo, waxaana uu faray baarista hay’adda in ay baaritaan dhab ah ku soo sameeyaan kiiskaan”.

Taliye Bakaal Kooke ayaa lagu dilay maanta qarax loogu xiray gaari uu lahaa xilli uu marayay tuulada Suul-alle ee degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Screenshot_20221209-185648_Twitter.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this