Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo balan-qaad cusub ka helay hoggaamiyaha Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Shiinaha la wadaagay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya bulshada deegaannada ay ka dagaalamaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya.

Si gaar ah hoggaamiyaha Shiinaha ayaa dowladda Soomaaliya uga balan qaaday inuu ku garab istaagayo dagaalka ay kula jirto argagaxisada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta ‘Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta’ oo looga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mandiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga.

FB_IMG_1670603816976.jpg FB_IMG_1670603812522.jpg FB_IMG_1670603810261.jpg FB_IMG_1670603807842.jpg FB_IMG_1670603805772.jpg FB_IMG_1670603803192.jpg

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo balan-qaad cusub ka helay hoggaamiyaha Shiinaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this