Sign in to follow this  
Cowke

President Farole Declares War On Galgala Militia

Recommended Posts

Cowke   

Madaxweyne Faroole oo Maanta Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Buuraha Galgala

 

Garowe (RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal weyn oo ka dhan ah buuraleyda Galgala ee gobolka Bari oo uu sheegay inay ku jiraan kooxo taabacsan ururka Shabaab.

 

Madaxweynaha oo maanta markii ugu horeysay ka hadlay arimaha amaanka Puntland ayaa si cad u qiray in Xarakada Al Shabaab ay ka hawlgalaan Puntland, isagoo ku eedeeyey inay ka masuul yihiin dilalka, qaraxyada iyo beegsida masuuliyiita dowlada ee ku sugan degaanada Puntland.

 

“Waxaa jira niman maleeshiyo ah oo uu madax u yahay nin lagu magacaabo ATAM oo ku jira buuraleyda Galgala, ciidamada ayaana ku hareereysan diyaar baana u nahay inaan soo afjarno waqti dhow”, ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

 

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya uu doonayo inuu ku soo fido degaanada Puntland, awoodana kala wareego maamulka hadda ka jira Puntland taasi uu sheegay Faroole inay deg deg uga hortagayaan.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in dhowaan degaanka Galgala laga taagay calanka Xarakada Shabaab loogana dhawaaqay maamul Islaami ah, wuxuuna ku goodiyey inay deg deg u soo gabagabeyn doonaan.

 

“Waxaan ka war sugeyney in arinta lagu dhameeyo wada hadal laakiin hadda arintu way kala cadaatay waxaana diyaar u nahay inaan wax ka qabano”, ayuu yiri Madaxweynaha oo dhinaca kale sheegay in dad degaanka ah ay ku lug leeyihiin arintan.

 

Isagoo ka hadlayey hawlgalka dad qabqabashada ee maalmahan ka socday magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayuu Mr. Faroole sheegay in ay qeyb ka tahay sugida amaanka ka hor intaan la qaadin weerarka si buu yiri amaanka magaalada Boosaaso aanu faraha uga bixin, wuxuuna nuujiyey dareen ah in haddii dowladu weerarto buuraleyda Galgala ay dhici karto in magaalada Boosaaso loo soo dabamaro oo Shabaabku weeraro ka fuliyaan.

 

Wuxuu sheegay in dadka la qabqabanayo dib loogu celinayo degaanadooda gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, isagoo beeniyey in dadka shaqooyinka heysta la qabanayo.

 

Hadalkn madaxweynaha Puntland ayaa ah midkii ugu horreyey oo si rasmi ah uu ugu dhaweaaqo xaalad dagaal oo weyn, iyadoo waayadanba ay jireen warar isa soo taraya oo ku aadan dhaqdhaqaaqyo ka jira degaanka Galgaa oo ka tirsan Boosaaso.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garoowe:”Buurta Galgala Maalmaha Soosocda waa lagu kala baxayaa”Madaxweyne Faroole.

21. juli 2010

 

Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Malayshiyo Diimeedka isku

aruursanaya Buurta Galgala ee gobolka bari islamarkaasna aad ugu dhow Xuduudka gobolada Sanaag & Bari ee dawlada Puntland,waxaana uu sheegey in Xukuumadiisu ay Talaabo Milatari oo deg-deg ah ka qaadayso Malayshiyaadkaas.

 

Madaxweynuhu wuxuu aad u canbaareeyey Is aruursiga sida siaa’idka ah uga socda Deegaanadaas,waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in Ciidamo awood leh ay halkaas u direen islamarkaasna ay Ciidanku ku hareeraysanyihiin Buurta Galgala & Agagaarkeeda,wuxuuna Madaxweynuhu Sidoo kale sheegey in falalkii Amnidaro ee dhawaan ka dhacayey Boosaaso intoodabadan galgala laga soo abaabulayey loogana Gol lahaa inaysan dawladu halkaas Weerarin.

 

“Waanu lasoconaa Dhaqdhaqaaqa kasocda Deegaandaas….waxaanu ognahay in Sanado Nin Caado qaate ah oo halkaas dagan uu Malayshiyaad aruursanaya,..Marka Halkaas waxaanu ognahay in laga soo abaabulo Falalka Puntland ka dhacay qaarkood,waxaanuna halkaas u dirnay Ciidamo farabadan Awood & Lixaad intaba waanu u dhamaystirnay”Ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo intaas ku daray in Maalmaha soosocda Dagaal lagu kalaboxo uu halkaas ku dhacidoono.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamuud Wuxuu ku celceliyey in Xukuumadiisu ay aad uga warqabto Dhaqdhaqaaq kasta oo halkaas ka dhaca,waxaana uu sheegey in Imika la gaaray Waqtigii Hogaamiyahaas & Ciidankiisa Ciida lagu dari lahaa islamarkaasna loo tirtiri lahaa Magaca halkaas laga maqlayo oo uu sheegey in Xataa Dhawaan calan laga taagay.

 

“Ninka halkaas degen (Atom),wuxuu xiriir la leeyahay Kooxda Alshabaab,waanu Ognahay in uu Dhawaan Maro xun oo mado (Calanka Alshabaab ee Madow) meeshaas ka taagay,macno samayn mayso Maro meel lasaaray,laakiin Alqaacida ayuu rabaa inuu Xoogaa Lacag ah uga qaato”Ayuu yiri Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Waa hadalkii ugu horeeyey oo Sarkaalka Puntland dawladeeda ugu sareeya uu ka soo saaray islamarkaasna uga hadlo Xaalada Buurta Galgala oo Maalmihii lasoo dhaafay Uurkutaalo ku noqotay Shacabka Puntland oo aaminsan in Halkaas Khatar badani kasoosocota,waxaana uu Warka Madaxweynuhu imaanayaa xili Maalmihii lasoo dhaafay ay Wasiiro,Aqoondheerayaal dhanka ciidanka ah,Saraakiil Ciidan & Madaxda ugu saraysa dawlada Puntland kulamo xasaasi ah oo gagala ku saabsan ku lahaayeen magaalada Garoowe.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good news rat teeth will send his militia men to galgala the pirates already made it clear that the atam guy is linked to alqaeda lets see how this situation escalates

Share this post


Link to post
Share on other sites

orangutan rebel mountains

Not as absurd as pretending that NW Somalia is a seperate country inhabited by the lost children of the Queen of England. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   
:D Touchy, just tell faroole to take it easy on the orangutan endangered species, or he might see a couple of goats thrown from the cliffs of eyl. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Dear Lad no baboon's to be found in sanaag, look no further then "bari" and it's zanzibar connection particularly bender qassim/Alula areas if your looking for baboons. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Libaahe is as fake as the map that tags on his tail. Adeer learn geography; In Sanaag your nothing but a minority villager who settles in western border near Togdheer.

 

As far as Faroole's war declaration, don't get too excited folks; war is not a catalyst for a comprehensive solution. Faroole should re-evaluate his strategy before innocent blood is shed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   
:D:D Xudeedi bal no sheeg why can't Ilkojir step a foot in erigavo the capital of sanaag? or the orangutan mountain endangered species leader atam? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Amniga Puntland

 

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Amniga Puntland

July 21, 20100 comments | leave your own!Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud oo la hadlaayay warbaahinta VOA-da ayaa ka hadlay cida ay u arkaan in ay ka dambayso dhacdooyinkii amaanka ka dhanka ahaa ee ka dhacay deegaanada Puntland iyo qorshe dowladu ay ku doonayso in ay ku weerarto buuralayda Galgala halkaas oo la sheegay inuu ku suganyahay wadaadka lagu magacaabo Shiikh Attam iyo maleeshiyo uu muddo urursanayay.

 

Wuxuu sheegay falalka amaanka lidi ku ah ee dhowanahanba ka dhacaayay deegaanada Puntland in ay ka dambeeyaan waxaa uu ugu yeeray kooxaha shidada ka wada koonfurta dalka Soomaaliya oo ay argagixiso dabada ka riixayaan,isla markaasina waxaa Madaxweynuhu uusan meesha ka saarin in ay jiraan dad u dhashay Puntland oo dhacdooyinkaasi qayb ka ahaa.

 

Mar Madaxweynuhu uu ka hadlayay sida ay ku garteen in dadkaasi ay falalkaasi ka dambeeyaan ayaa waxaa u sheegay in dowlada Puntland ay gacanta ku hayso eedaysanayaal qayb ka ah dadkaasi kuwaasi oo u sheegay Madaxweynuhu in ay ku jiraan saldhigyada magaalooyinka Garoowe iyo Bosaaso.

 

“…Dadka ka yimi koonfurta ee ku sugan Puntland waxay isugu jiraan tahriib marin ka dhigta Bosaaso iyo dad u socda fulinta barnaamijyo lid ku ah amaanka Puntland oo doonaya in Puntland ay noqoto sida Muqdisho oo kale…”,ayuu yiri.

 

Waxaa uu intaasi ku daray in dadka ciidamada amaanka ee Dawladda Puntland ay ka qab qabanayaan qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland ay dowladu marin doonto laba wado oo kala ah;

 

1-Kuwo lagu celin doono goobihii ay ka yimaadeen

 

2-Eedaysanayaal maxkamad sugayaal noqon doona

 

Falalka ka dhaca Bosaaso iyo Weerar ka dhan ah Attam

 

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay magaalada Bosaaso in ay tahay magaalo ganacsi ay degan yihiin barakacayaal fara badan oo u sheegay in gabaad ka dhigan karaan kooxaha ka wada Bosaaso falaka amaanka lidka ku ah sida Muqdisho oo kale.

 

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in talaabada ciidamada amaanka Puntland ay wadaan ay noqon doonto mid hubaanti ah,waxaana uu xusay dhalinyarada Bosaaso ay ka tarxiileen in ay ka hayaan sawiro iyo magacyo sahli kara in dib loo soo qabto hadii ay dib ugu soo noqdaan deegaanada Puntland.

 

”…Dadka aanu ka qab qabanay Bosaaso way ku noolaan karaan meelihii ay ka yimaadeen Muqdisho meel aan ahayn oo dagaal ka socda ma garanaayo…”,ayuu yiri.

 

Dr.Faroole ayaa intaa ku daray in ay qayb ku leeyihin wadaadka lagu magacaabo Attam iyo ciidamo u hogaaminaayo,kuwaasi oo la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen buuraha Galgala.

 

Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada Puntland ay ku hareersan yihiin maleeshiyaadkaasi dhowaan lagu kala bixi doono siduu sheegay.

 

Madaxweynaha ayaa xusay maleeshiyada uu hogaamiye u yahay Attam in qorshahoodu uu yahay in Bosaaso ay falal ka geystaan si buu yiri aan loo weerarin,waxaa uu maahmaah ahaan u soo qaatay “qaniinyo,qaniinyo kaa fujisa”.

 

Si kastaba 05.05.2010 ayay hayd markii Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay munaasabada ka dhacday madaxtooyada oo ay ka soo qaybgaleen Hay’ado caalami ah uu ka sheegay in aan dib dambi loo argagixin doonin dadweynaha reer Puntland,isla markaasina barakacayaasha oo u sheegay in ay ku lug leeyihiin falalka ka dhacay deegaanada Puntland ay go’aan kasoo saari doonaan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this