Sign in to follow this  
General Duke

Clan courts: now Kenyan troops are Ethiopians...LOL

Recommended Posts

Maxaakiimta oo bilaabay shirar ay ku dhaliiceynayaan Dowlada Kenya

Last Updated::2006-11-01 17:31:41

 

indhacade_shir_saxafad.jpg

 

Muqdisho:- Maxaakiimta magaalada Muqdisho ayaa qabtay warsaxaafadeed ay ku dhaliiceynayaan Dowlada Kenya.

 

Maxaakiimta oo horey looga bartay dhaliicooyinka ay dalka Itoobiya u diraan ayaa hada u muuqda in yoolkeedii qabtay Dowlada Kenya.

 

Yusuf Siyaad Indhacade oo ah Madaxa Amaanka ee Maxaakiimta Muqdisho ayaa maanta warsaxaafadeed uu qabtay ku sheegay in dowlada Kenya ay taageerayso Dowlada Itoobiya.

 

Indhacade ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo qaba dareeska Ciidamada Kenya iyo Gaadiidkii ciidamada Kenya ay joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Wuxuuna sheegay in Dowlada Kenya ay ogolaatay in dhinaca Kenya ay kasoo weeraraan ciidamo Itoobiyaan ah oo qaba Dareeska iyo gaadiidka ciidamada Kenya.

 

Eedayntan ayaa ah tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo loo jeediyo dowlada Kenya, xili Dowlada Federaalka Soomaaliya ay codsatay in dowlada Kenya ay kamid noqoto dhex dhexaadiyaasha shirka khartuum.

 

Warsaxaafadeedka ay Maxaakiimta ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid salka ku haya shirka khartuum oo la isku dhaafi waayey qodobka ah in IGAD ay qeyb ka noqoto dhex dhexaadinta wadahadalada Khartuum.

 

Maxaakiimta ayaa ayagu si buux uga soo horjeeda in IGAD ay ka qeyb qaadato wadahalada ay la yeelanayaan dowlada Federaalka, ayadoo ay Dowlada Soomaliya codsatay arrintaasi.

 

Eedeyntan cusub oo ah in ciidamo Kenya kasoo galay in ay dalka Soomaaliya joogaan ayaa ah mid aan wax cadeyn ah loo heyn.

 

Sh.Xassan Turki oo asagu ku sugan deegaanka Dhoobley ee xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa asagu dhawaan war uu saxaafada Muqdisho siiyey ku sheegay in ayagu wax dagaal ah ka dhaxeyn Ciidamada Dowlada Kenya.

 

Yusuf Siyaad Indhacade ayaa maanta ka gaabsaday inuu sheego meesha ay joogaan ciidamada Kenya kasoo galay.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaakiimta oo horey looga bartay dhaliicooyinka ay dalka Itoobiya u diraan ayaa hada u muuqda in yoolkeedii qabtay Dowlada Kenya.

 

 

Sh.Xassan Turki oo asagu ku sugan deegaanka Dhoobley ee xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa asagu dhawaan war uu saxaafada Muqdisho siiyey ku sheegay in ayagu wax dagaal ah ka dhaxeyn Ciidamada Dowlada Kenya.

 

Yusuf Siyaad Indhacade ayaa maanta ka gaabsaday inuu sheego meesha ay joogaan ciidamada Kenya kasoo galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Indha-cade “Ciidamo Itiibiyaan ah oo xiran dareeska ciidamada dowladda Kenya ayaa ku sugan…”

 

 

Golaha Maxkamadaha Islaamiga ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya ee wata dareeska ciidamada Kenya ay soo buuxiyeen xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya, waxayna Maxaakiimta dowladaasi Kenya kaga digeen in arrintaasi ay cawaaqib xumo kaga imaan karto.

Sheekh Yuusuf Siyaad Indhacade oo ah madaxa Ammaana Golaha Maxaakiimta Islaamiga ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xaruntii hore ee nabad sugida Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin xaduuda Soomaaliya.

 

“Ciidamadaas Itoobiyaanka ah waxay xiran yihiin dareeska ciidamada dowladda Kenya” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha-cadde oo intaa raaciyay in Maxkamaduhu aanay weerar ku hayn dowladda Kenya, isagoo ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya.

 

Wuxuu ku eedeeyay Sheekh Indhacade dowladda Itoobiya ay dhibaato ka hurinayso gobolka geeska Afrika, ayna haatan ciidamadooda isku hor fadhiyaan duleedka magaalada Baydhabo “Itoobiya maanta nabad ma aha, balse Kenya Nabad ayaa ka jirta, haddii ay garab ku siiso Itoobiya Nabadda hadda ay heysato Kenya ma haysanayso” ayuu yiri Sheekha oo dhinaca kale sheegay in arrintan ay ku soo beegmeyso Kenya oo ku guul daraysatay in ay wax ka hoggaamiso wadahadallada Khartuum, beesha Caalamkana wuxuu ugu baaqay in ay ka hortagaan dhibaatooyin ka abuurma xaaladahaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha islaamka oo digniin u jeediyay dowlada Kenya

 

Mogadishu 01, Nov.06 ( Sh.M.Network) Golaha Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ciidamo Ethiopian ah oo wata dareeska ciidamada Kenya ay soo buux dhaafiyeen xuduuda Somalia ay la wadaagto Kenya, iyadoo Maxkaadaha islaamka ay ka digeen xasilooni darro ka dilaacda halkaasi, hadii ciidamadaasi ay kala bixi weyso halkaasi.

 

 

Sheekh Yuusuf Indho Cadde

Madaxa amaanka golaha Maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indho cadde oo shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Ex-Nabad sugida ayaa waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Ethiiopian ah ay haatan ku sugan yihiin xadka Kenya ay la leedahay Somalia, iyadoo uu sheegay in ciidamadaasi Ethiooianka ah ay xiran yihiin dareeska ciidamada Kenya.

 

Indho cadde ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka aysan weerar ku aheyn Kenya, isla markaana Kenya aan loo baahneyn in ay la mid noqoto Ethiooia oo uu sheegay in ay soo weerartay dalka Somalia, ciidamo fara badana ay kaga sugan yihiin, si ay u qabsato dalka.

 

Sheekha ayaa waxa uu kaga digay dowladda Kenya in nabad darro baahsan ay ka bilaaban doonto, waa haddii si deg deg ah ciidamada Ethiiopia aan looga saarin, iyadoo uu shacabka Kenya kula taliyay in ay ka hortagaan in dowladooda ay taageerto fara galinta iyo sidoo kale nabad galyo xumada ay Ethiopia ka wado geeska Afrika si gaar ah Somalia.

 

Madaxa amaanka golaha Maxkamadaha islaamka ayaa waxa uu sheegay in arintaan ay ku soo beegmeyso xilli kenya ay ku guul-dareysatay in ay dhex dhexaad ka noqoto amuuraha gudaha ee dalka Somalia.

 

Sheekha ayaa waxa uu dhinaca kale ugu baaqay beesha caalamka in uu ka hortago fara galinta Kenya ay ku dooneyso in ay ku taageerto dowladda Ethioipia ee lagu sameynayo gudaha Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaakiimta oo u digey Kenya

1 Nov 1, 2006, 08:52

 

Madaxa amaanka Golaha Maxkamaddaha Islaamiga Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa maanta xaruntii hore ee Nabad sugida ku qabtay Shir Jaraa'id isagoo ugu hadlay arimo dhowr ah, wuxuna ka warbixiyay ciidamo Itoobiyaan a ah oo la sheegay in la soo dhoobey xuduuda dalka Soomaaliya uu la leeyahay dalka Kenya.

 

Yusuf Indha Cadde ayaa sheegay in cadeymo buuxda oo sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka iyo dabaabaadka dagaalka in ay soo dhoobeen xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyadoo ay wehliyaan buu yiri ciidamada Kenya, wuxuuna ugu digay dowladda Kenya in faraha ay kala baxdo arrimaha dalka Somaaliya.

 

Indha Cadde ayaa sheegay in dowladda Kenya faraha kala bixi weydo ay la kulmi doonaan dhibaatooyin ka dhaca gudaha dalka Kenya, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Kenya iyo Itoobiya ay caqabad ku yihiin xasiloonida dalka Soomaaliya.

 

Ugu danbeyntii Yuusuf Indha Cadde ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay il gaar ah ku eegaan dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in ay wadaan ciidamada Itoobiya iyo Kenya, wuxuuna intaa ku daray in Maxkamaddaha Islamiga aysan weerar ku aheyn dalalka Kenya iyo Itoobiya.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Yuusuf Indha Cade oo maanta ku eedeeyey Dowaladda Itoobiya in ay Ciidamo Wata Dareys nooc kale ah soo dhoobtay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

 

Madaxa Amaanka ee Golaha maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya Shikh yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cade ayaa maanta shir jaraaíd ku qabtay Magaalada Muqdisho, waxa uuna si kulul eedeymo ugu jeediyey dowladda dalkaasi itoobiya.

“Waxaan ka War heynaa in xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay joogaan ciidamo Itoobiyaan ah isla markaana wata Dareeskii Ciidamada Kenya, iyo gaadiidkii Kenya, waxaana halkaasi ay u joogaan in ay dhibaato hor leh ka abuuraan deegaanadaasi’ayuu yiri Indha Cade.

 

Madaxa Amaanka ee golaha Maxaakiimta islaamiga ah ee Soommaaliya waxa uu sheegay in ay dowladda Kenya uga digayaan in sida itoobiya oo kale ay noqoto, waxa uuna tilmaamay Kenya ay ogaato Adisababa amaan darada ka taagan, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay Kenya ay u aqoonsanayaan in aysan waxba ka duwaneyn itoobiya.

 

Shiikh Yuusuf Maxamed siyaad Indha cade mar uu ka hadlayey dareenka laga qabi karo in Dagaal uu dhex maro ciidamada Maxaakiimta ee joogo Qeybo ka tirsan gobalka Baay iyo kuwa dowladda Federalka ah hadii uu shirka Khartuum ay waxba ka soo bixi waayaan, ayuu waxa uu sheegay in uusan ka hor dhici doonin waxa imaan kara hadii shirkaasi fashilmo.

 

 

 

Indha Cade waxa uu dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Maxaakiimta iyo kuwo dowladda ay shalay Madaafiic is weydaarsadeen iyaga oo sameynaya dhoolotus, waxa uuna arintaasi ku tilmaamay been, waxaan og nahay buu yiri in dhoolo tuskaasi uu u gaar ahaa Ciidamada itoobiyaanka ah ee Baydhaba Joogo, isaga oo dowladda Federaalkana ku eedeeyey in ay tahay dowlad ay maamulato itoobiya.

 

Shirkii Jaraaíd ee uu qabtay sheikh Yuusuf Indha Cade oo ah Madaxa amaanka ee golaha Maxaakiimta islaamiga ah ayaa waxaa lagu weydiiyey suáalo dhowr ah kuwaas oo uu gabi ahaanba warfidiyeena uga jawaabay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this