Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo baaritaan madax-bannaan ku samaynaysa dilka Taliye Bakaal Kooke

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670570853819.jpg?resize=720%2C48

Jubaland ayaa shaacisay in baaritaan madax-bannaan lagu samaynayo dilka Taliyihii Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke).

Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ay baaritaan madax-bannaan ku samaynayaan dilka marxuumkaas.

Taliye Bakaal Kooke ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga degmada Luuq ee Gobolka Gedo xilli uu safar u sii ahaa dhinaca magaalada Doolow.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay marxuumka.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo baaritaan madax-bannaan ku samaynaysa dilka Taliye Bakaal Kooke appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this