Deeq A. Posted December 8, 2022 Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland. Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani labadda Golle Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada Garoowe. Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites