General Duke Posted May 27, 2007 Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamaanka DF Sh Aden Madoobe oo ku sugan dalka Sudan Last Updated::2007-05-27 13:12:51 Khartuum:- Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Sheekh Aden Madoobe ayaa soo gaaray dalka Sudan si uu uga qeyb galo shir ay isgu imaanayaan Baarlamaanka Afrika oo lagu qaban doono dalka Sudan. Sh Aden Madoobe ayaa safar ku tagay dalka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmay madaxda sare ee dalkaas gaar ahaa Madaxweynaha, Raisulwasaaraha, Wasiirka arimaha dibada, iyo Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Itoobiya. Sh Aden Madoobe ayaa eedaymo u soo jeedshay dalka Eratareeya isaga oo ku eedeeyey madaxda dalkaas in ay wadaa qorsho ka dhan ah Df iyaga oo garab siinaya kooxaha mucaaradka ku ah DF. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites