Deeq A. Posted December 8, 2022 Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Xogaha ka imaanaya Madaxtooyada Puntland ayaa caddaynaya in Madaxweynaha Galmudug uu Garoowe ku soo wajahan yahay bilowga Todobaabdka soo socda. Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu duhurnimada maanta gaaro magaalada Garoowe. Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa lagu micneeyay iskaashi ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo ku sii jeeda Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites