Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku Day Ay Koox Xagjir Ah Ku Afgambin Laheyd Dowladda Jarmalka Oo La Fashiliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Jarmalka ayaa Arbacadii shalay fuliyey howlgallo ka dhacay dalka oo dhan ayaga oo xidhay 25 qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin “unug argagixiso” oo midigta-fog ah, kaasi oo qorsheynayey inay afgambiyaan dowladda, islamarkaana weeraraan baarlamanka.

Illaa 3,000, oo saraakiil oo ay ku jireen cutubyada xulka ah ee ka hortagga argagixisada, ayaa ka qeyb qaatay howlgallada oo dhacay aroortii, laguna baadhay in ka badan 130 guri.

Warbaahinta Jarmalka ayaa ugu yeedhay mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu ballaadhnaa ee booliska ay qaadaan ee ka dhanka ah xagjiriinta.

Howlgallada ayaa lagu beegsaday dad la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin dhaqaaqa “Muwaadiniinta Reich” (Reichsbuerger), oo la tuhunsan yahay “Inay sameeyeen diyaargarow xooggan oo ay si rabshad leh ugu geli lahaayeen baarlamanka Jarmalka ayaga oo ah koox yar oo hubeysan”, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dacwad-oogayaasha.

Kuwa la xidhay ayaa lagu eedeeyey inay aas-aaseen “kooxdan argagixiso ugu dambeyn dhammaadkii November 2021, taasi oo dajisatay hadaf ah afgambinta nidaamka dowladeed ee ka jira ee Jarmalka, kuna beddesho mid nooca ay rabto ah,” ayey yidhaahdeen dacwad oogayaasha.

Laba ka mid ah 25-ka qof ayaa lagu xidhay dalalka Austria iyo Talyaaniga.

Dacwad-oogayaasha magaalada Karlsruhe ayaa sheegay inay aqoonsadeen 27 qof oo dheeri ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin ama taageeraan shabakaddan argagixiso.

Dhaqaaqa Reichsbuerger ayaa waxaa ku jira kuwa taageera Naaziyiinta, kuwa hubka aad u jecel iyo shirqooleyaal diidan sharci-ahaanshaha Jamhuuriyadda Jarmalka.

Ayada oo muddo la isaga indho tirayey in ayna sidaas muhiim u aheyn, ayaa dhaqaaqa Reichsbuerger wuxuu sanadihii dhowaa noqday xagjir, waxaana loo arkaa halis amni oo sii kordheysa.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in askar hore ay ka mid yihiin xubnaha kooxdan.

“Eedeysanayaasha waxaa mideeyey diidmo qoto dheer oo ku aadan hay’adaha dowladda iyo kala dambeynta ay dimoqraadiyadda saldhigga u tahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany,” ayey yidhaahdeen dacwad-oogayaasha.

Tuhunsanayaasha way ka warhayeen in qorshahooda “lagu xaqiijin karay oo kaliya ayada oo la adeegsanayo hab militari iyo rabshado ka dhan ah wakiilada dowladda,” ayey ku dareen.

AFP, VOA

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this