Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha Iyo Sacuudiga Oo Ka Wada-hadal Yeelanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa gaadhay caasimadda Sacuudiga Riyaad, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga Amiir Faysal Farhan iyo Gavanaha Riyaad Amiir Faisal Bandar.

Xi, ayaa booqashadiisan qaadan doonta muddo saddex maalmood ah, isagoo wadahadallo la yeelan doona Sucuudiga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Carabta.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu boqortooyada kala hadli doono xidhiidhka iyo horumarka labada dal.

Shiinaha ayaa ah macaamilka ugu sareeya saliidda ee Sacuudi Carabiya, labada dhinacna waxay u muuqdaan kuwo doonaya inay ballaadhiyaan xidhiidhkooda, xilli ay ka jireen buuq dhaqaale iyo dib u habayn siyaasadeed.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Xi uu dibada ku tagay tan iyo markii uu billaamay faafitaanka Coronavirus, iyadoo Washington ka digtay saamaynta sii kordhaysa ee Beijing.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this