Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa lagaga hadlayaa shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Malawi oo la yidhaahdo Lazarus Chakwera ayaa sheegay in shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ee toddobaadka soo socda uu madaxda qaaradda siin doono fagaare ay ku cabbiraan fikradahooda ku aaddan sida ganacsiga Mareykanka iyo Afrika uu horumar u gaari karo, gaar ahaan aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika.

Sean Kampondeni, oo ah agaasimaha isgaadhsiinta ee madaxweyne Chakwera, ayaa sheegay in madaxda Afrika ay ku qanacsan yihiin in dariiq looga baxo horumar la’aanta ay tahay ganacsiga iyo maalgashiga oo si wadajir ah looga wadahadlo oo aan qolo kaliygeed hagin.

Kampondeni ayaa u sheegay weriyaha VOA James Butty in madaxda Afrika ay isku raacsan yihiin in horumarku aanu ku imaan karin gargaar oo keliya, balse uu ku imaan karo ganacsi iyo maalgashi.

“Waxaa jirta xiiso weyn oo ay madaxda Afrika u qabaan inay sahamiyaan suuqyada la geeyo wax soo saarka Afrika iyo sidoo kale sahaminta maalgashiga suuqyada kala duwan ee qaaradda Afrika. Kulanka uu marti-gelinayo Biden madaxda Afrika, waa fursad iyo madal weyn” ayuu yidhi Sean Kampondeni.

Madaxweyne Joe Biden ayaa marti-gelin doona madaxda Afrika inta u dhaxaysa 13-15 December.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in shir-madaxeedkan uu kor u qaadi doonoo qiyamka la wadaago, si loo kobciyo ka qaybgalka dhaqaale cusub, horumarinta nabadda, amniga, iyo dowlad wanaagga, iyo xoojinta ballanqaadka labada dhinac ee dimoqraadiyadda, xuquuqul insaanka iyo bulshada rayidka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this