Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya Oo Dib Ugu Soo Celisay Adeegyadii Aasaasiga Ahaa Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Adeegyadii asaasiga ahaa, sida korontada iyo isgaadhsiinta ayaa dib loogu soo celiyey qaybo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Tigray ee Itoobiya, ka dib markii labada dhinac ay kala saxeexdeen heshiiskii xabbad-joojinta ahaa muddo haatan laga joogo hal bil, hase ahaatee waxaa weli jira deegaano badan oo gobolkan ku yaalla oo aan haysan adeegyada aasaasiga ah ama dunida ka go’an.

Heshiiskii la saxeexay bishii November 2-deedii ayaa dhigayey in dawladda federaalka Ethiopia inay dib ugu soo celiso gobolka Tigray adeegyadii aasaasiga ahaa, sida telefoonada, internetka iyo bangiyada, kuwaas oo gobolkan ka maqnaa tan iyo markii ay dagaaladu qarxeen labo sano ka hor. Korontada ayaa sidoo kale ka mid ahayd kaabayaasha la kulmay carqaladda, taas oo saamaysay nolosha in ka badan 5 milyan oo qof oo gobolkan ku nool.

Salaasadii, shabadda wararka dawladda Ethiopia ee Fana Broadcasting Corporate ayaa sheegtay in caasimadda gobolka Tigray ee Mekele in dib loogu soo celiyey korontadii dawladda, ka dib markii lagu sameeyey dayactir kala duwan.

Kibrom Gebreselassie oo ah maamulaha isbitaalka Ayder ee Mekele ayaa xaqiijiyey in magaaladu ay heshay adeegii korontada, wuxuuna u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, inay tahay markii ugu horraysay ee ay helaan koronto goo’goaynin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this