Sign in to follow this  
General Duke

People+50MP's+local leaders - 3 fools= a great day for Somalia

Recommended Posts

The MP's in Xamar led by Omar Xashi Adan, plus the likes of Abdi Qaybdeed, Sacid Bulbul, Inda cade[surprise], General Galaal Xaf, Bashir Raage,Abukar Cadane, other businessmen, traditional leaders of Mogadishu north and south united to welcome Somalia's Prime minister. Who was absent? who else Osman Ato, Qaynyare and Suudi Yalaxow. :D They said Geedi cannot come to Xamar, he replied by getting a bigger welcome than any man who ever arrived :D:D

 

 

R/wasaare Cali Maxamed Geedi oo manta markuu soo gaaray muqdisho la hadlay dadweynaha.

Somaliweyn (Mogadishow 29 ,2005)

 

R/wassaaraha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa hadal u jeediyay dadweyne faro badan oo isugu soo baxay soo dhoweyntiisa.

 

R/wasaare Cali Maxamed Geedi oo socdaalka uu ku yimid magaalada Muqdisho ay tahay markii ugu horeysay tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’isulwasaarenimada mudo 6 bilood ka hor ayaa hadal uu ka jeediyay xaruntii hore ee xisbiga waxaa uu u mahad celiyay maamulada gobolka Sh/hoose iyo Banaadir sida weyn maanta ay uga qeybqaateen soo dhoweyntiisa, isagoo heegay in si walaaltinimo iyo qaranimo ay u soo dhoweeyeen , waxa uuna balan ku qaaday in maalmaha soo socda dadka Muqdisho uu kala hadli doono meel fagaare ah.

 

Ra’isulwasaare Geedi ayaa waxa uu ka cudur daartay in daal awgiis uusan ku dheeraan Karin qudbadda, ka hor inta aanu hadalka qaadan R/wasaare Geedi waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka xubnaha labada gole ee DFKMG ee ku sugan Muqdisho xildhibaan Col. Cumar Xaashi Aadan ,maamulka gobolka Banaadir C/llaahi xasan Ganey (Firimbi) iyo maamulka gobolka Sh/hoose Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho cade).

 

Mas,uuliyiintaasi ayaa waxa ay sheegeen in dadka ay kala aragti duwanaan karaan ,balse in u jeedada ugu weyn ay tahay in la ilaaliyo qaranimada dahlia Soomaaliya .

 

Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/hoose Sh. Yuusuf Indhocade oo ka hadlayay munaasabada soo dhaweynta ra’isulwasaare Geedi ee ka dhacday xarunta xisbiga ayaa sheegay in horey dalka ay u soo mareen dowlado hareer maray ku dhaqanka shareecada islaamka ,waana la ogsonyahay ayuu yiri halka ay ku danbeeyeen dowladahaasi ,waxa uuna xusay in dadka Muqdisho ay awood u heli karaan in ay hubka iska dhigaan ,nabadda caasimadda Muqdishana ay ka shaqeeyaan.

 

 

R/wasaaraha oo ay dhinac fadhideen danjirayaal uu ka mid yahay Danjiraha Kenya u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa socdaalkiisa uu ku soo gaaray magaalada Muqdisho ay is weydiinayeen dadweynihii ka soo qeybgalay soo dhaweyntiisa waxa ay ka badali karto qilaafka u dhaxeeya labada gole ee dowladda FKMG ee Soomaaliya, iyadoo soo dhaweynta wafuuda uu hogaaminayo ra’isulwasaare Geedi aysan maanta ka qeybgalin wasiirda Ganacsiga, Amniga iyo H/guud ee DFKMG ee Soomaaliya , Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo Cismaan Caato.

 

Wafdiga Ra’isulwasaare Geedi ayaa ugu dambeyntii tagay Hotel Ramadaan oo iyana sidoo kale ay dadweyne aad u fara badan ay si diiran ugu soo dhaweeyeen.

 

Ra’isulwasaare Geedi ayaa mar uu socdaal ku soo aaday Soomaaliya tagay magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, B/weyne, iyo gobolo ka tirsan maamulka Puntland taasoo ka careysiisay dadweynaha magaalada Muqdisho oo aad ugu han weynaa imaanshaha ra’isulwasaaraha, hasayeeshee socdaalkiisa iminka uu ku joogo Xamar waxa uu sheegay ra’isulwasaaruhu in uu la xiriiro in aan loo kala turjumin isaga iyo dadweynaha., oo uu sheegay in la jaha wareeriyay.

 

 

Abdifitahaam Ahmed

Mogadishu - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

ka mid ah Wasiirada hubeysan oo maanta ka qeybgalin soo dhaweynta Ra’iisal wasaaraha

 

Iyadoo maanta magaalada muqdisho ku mashquulsanayd soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhinaca kale 3 ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee hubeysan ka baaqsadeen soo dhaweynta.

 

Intii aan joogay Garoonka Diyaaradaha ee No-50 ayaa la ii sheegay in 3 daas Wasiir ay ku sugan yihiin isla markaana Wafdiga ku sugayaan xarunta xisbiga hase yeeshe markii aan soo gaaray xarunta xisbiga ayaa guud ahaan waxaa waayay muuqaalka 3 daas Wasiir oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow Wasiirka Ganacsiga, Maxamed Qanyare Wasiirka Ammniga Qaranka iyo Cusmaan Caato, lamina sheegin sababta ay uga soo qeybgali waayeen soo dhaweynta.

 

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta aan ka soo qeybgalin kuxigeenka koowaad ee Cali Maxamed Geeddi Maxamuud C/llaahi Jaamaca “Sifirâ€, arrintan ayaa dadweynaha muqdisho la yaab ku reebtay.

 

Marka aad eegto muuqaalka Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa markiiba aad dareemi kartaa inaan wax farxad ah wejigiisa ka muuqanin, dadka ka hadla Siyaasadda Soomaaliya waxay sheegeen in Geeddi weli mowqifkiisa waxba iska bedelin.

 

Maqanaasha 4 nin ayaa weli waxay caddeyn u tahay inaan laga heshiin khilaafkii jiray, iyadoo Wasiirka Ammniga Maxamed Qanyare shalay sheegay inaan wax heshiis ah laga gaarin khilaafkii jiray.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

Who was absent? who else Osman Ato, Qaynyare and Suudi Yalaxow.
:D
They said Geedi cannot come to Xamar, he replied by getting a bigger welcome than any man who ever arrived
:D:D

Disregarding the fact that you used to call fools the very ones whom you are praising today of welcoming the PM, I'm though very curious to know when and where those three whom you call fools now ever said that Geedi cannot come to Xamar? Or is it once again one of your uncontrolled rants.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Geedi was a "weakling" a coward who did not have much support in Xamar, according to the warlord/ and supporters. Now we know for a fact that he has more support than any man in Mogadishu, has gained a cross clan welcome from every major clan groupings, including those the three "strongmen" Ato, Qaynyare and Yalaxow supposidely represent.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^^You did not answer my question, but further expanded on your usual innuendo...come straight and answer the question.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this