Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Geelle oo Madaxtooyada ku qaabilay Xasan Sheekh iyo arrimaha laga wada-hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa waxay kulankaan uga wada-hadleen horumarinta iskaashiga labada dal iyo howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagay dhigiisa dalka Jabuuti guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil-Walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howl-galka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isaguna dhankiisa si weyn u bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Geelle ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.

316431304_538983158272828_39222368056357 317951684_538983014939509_89102264369688 317850690_538983181606159_49511004816783 317987801_538983114939499_28288207031295 xasangeelle.jpg

The post Sawirro: Geelle oo Madaxtooyada ku qaabilay Xasan Sheekh iyo arrimaha laga wada-hadlay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this