Deeq A. Posted December 7, 2022 Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta dhammaystiray xubnihii ka harsanaa Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu magacaabay laba xubnood oo ka dhimanaa Maxkamadda Dastuuriga ah Wareegtan ayaa lagu magacaabay Garsoore Axmed Xuseen Maxamed (Axmed Soomaali) iyo Garsoore Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Qaanuuni). Xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sidaas ku dhammaystiran waxaana Baarlamanka laga sugayaa in ay Xasaanadda siiyaan. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo la dhammaystiray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites