Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo la dhammaystiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta dhammaystiray xubnihii ka harsanaa Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu magacaabay laba xubnood oo ka dhimanaa Maxkamadda Dastuuriga ah

Wareegtan ayaa lagu magacaabay Garsoore Axmed Xuseen Maxamed (Axmed Soomaali) iyo Garsoore Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Qaanuuni).

Xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sidaas ku dhammaystiran waxaana Baarlamanka laga sugayaa in ay Xasaanadda siiyaan.

FB_IMG_1670412349294.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo la dhammaystiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this