Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka horyimid hannaanka loo dhammaystiray Maxkamada Dastuuriga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo nala soo xiriiray ayaa ka horyimid hannaanka loo maray dhammaystirka Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xildhibaannada ayaa sharci-darro ku tilmaamay in wareegto Guddoomiye lagu magacaabo Labada Xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah ka imaanaya dhinaca Baarlamanka.

Waxay sheegeen in sida sharciga ah ay tahay in Goluhu doorto Labada Xubnood ee dhankooda ka imaanaya islamarkaana aysan meelna Dastuurka kaga qornayn in wareegto lagu magacaabo.

Xildhibaannada ayaa soo xigtay Qodobka 64-aad ee Dastuurka Puntland Fiqradiisa 9-aad iyo sidoo kale Qodobka 94-aad gaar ahaan Fiqrada saddexaad.

Sidoo kale waxay sheegeen in ay yihiin ilaa 20 xildhibaan oo ay Warbaahinta si shaacsan uga hadli doonaan si ay u iftiimiyaan Qodobada Dastuuriga ah ee Guddoomiyuhu baal-maray.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaano ka horyimid hannaanka loo dhammaystiray Maxkamada Dastuuriga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this