Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaanka sare ee xisbiyada UCID Iyo WADDANI oo la kulmay Wefti ka socda Dalka Norway+Waxyaabahay ka wadahadleen

Recommended Posts

Deeq A.   
Hogaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Ergo ka socota Dalka Norway oo kala ah, Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu.
Ugu horrayn, Ergada iyo Madaxda Mucaaradka ayaa kawada hadlay, sidii dib loogu bilaabi-lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, waxaanay Madaxda mucaaradku ay Ergada u sheegeen in aanay immika haboonayn in dib loo bilaabo, ilaa laga gudbayo khilaaf-yada gudaha ee ku saabsan Doorashooyinka, isla markaana ay qabsoomayso Doorashada Madaxtooyadu.
Madaxda Mucaaradka ayaa sidoo kale Ergadan siiyay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo mawqifkooda ku aaddan khilaafka cakiran ee ka jira Doorashooyinka.
Waxaanay intaasi ku dareen in Xukuumadda muddo xileedkeedii dhamaaday aanay ixtiraamayn sharciga oo ay samaysay sharci-jabin badan oo ay kamid tahay muddo kordhin aan sharci ahayn oo ay kororsatay.
Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa sidani sheegay
318592059_1082840779768744_2170213990636
318719745_1082841723101983_2347709031566
318453223_1082841176435371_6775009930288
318425031_1082840959768726_8179210063380

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this