Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo meel-mariyay wax ka-beddelka xeerka Shaqaalaha rayidka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay wax ka-beddelka xeerka Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

35 mudane ayaa u codeeyay meel-marinta wax ka-beddelka xeerkan, oo aysan jirin cid diidday, waxaase ka aamusay hal xildhibaan oo keliya, sida lagu sheegay war ka koo baxay Baarlamanka.

Xeerkan oo ka kooban 56 qodob ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland.

Xeerka ayaa sidoo kale qeexaya ilaalinta u sinnaanta fursadaha shaqo ee dowladda, ilaalinta iyo maareynta Xogta Shaqaalaha.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo meel-mariyay wax ka-beddelka xeerka Shaqaalaha rayidka ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this