Sign in to follow this  
Deeq A.

Caasimadda Garoowe oo gebi ahaanba laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670405173470.jpg?resize=720%2C40

Maamulka Gobolka Nugaal oo ay weheliyaan maamulka degmada Garoowe iyo saraakiisha Laamaha Amniga ayaa maanta go’aanno ka soo saaray Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Xasan Tooxyare oo shirkaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in gebi ahaanba magaalada Garoowe laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Laamaha Amniga ee hawlgallada ku jira oo keliya loo ogol yahay Hubka isagoo ku hanjabay in tallaaba adag laga qaadi doono ciddii jebisa amarkaas.

Cawil Tooxyare ayaa sidoo kale digniin u jeediyay kooxaha ka ganacsida maandooriyaha oo sida uu sheegay tallaaba sharciga waafaqsan laga qaadi doobo ciddii lagu helo falalkaas.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Caasimadda Garoowe oo gebi ahaanba laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this